Access to Healthcare

DUUFAAN KULAYLKA GATI OO BURBUR KA GAYSATAY XEEBAHA PUNTLAND, SOOMAALIYA

Duufaanta kuleylka daran ee Gati ayaa ku dhufatay xeebaha Puntland ee waqooyiga Soomaaliya dabayaaqadii bishii Nofeembar, oo ay ku jirto magaaladeeda weyn ee Bosaaso oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 500,000 oo qof. Duufaanta waxaa xigay roobab aan horay loo arag oo sababay daadad baahsan.

Burburka ay sababeen daadadku wuxuu saameeyay dad aad u tiro badan oo ay ka soo barakicyeen guryahoodii rabshado soo noqnoqday, abaaro ama daadad sanadihii la soo dhaafay isla markaana degay guryo ku meel gaar ah iyo xerooyin aan rasmi ahayn oo ku yaal dhulka daadadka u nugul ee ku yaal duleedka xeebta Bosaaso. Ilaa 40,000 oo barakacayaal ah oo ku noolaa dhinaca Balade, ee galbeedka magaalada, ayaa si gaar ah ay u saameysey dhibaatadani.

"Qoysasku waxay raadsadeen magangalyo waxayna dageen meel hoose oo daadadka u nugul una dhow goob qashin-qub aad u weyn oo aan rasmi ahayn," ayuu yiri Cabdikarim Tahir Gure, oo ah ku xigeenka wakiilka Médecins Sans Frontières /Dhakhaatiirta aan Xudduudda Lahayn (MSF). "Duufaanta iyo roobabkii cuslaa ee duufaantii Gati ayaa si xun u waxyeeleeyey hoygi dadkaasi waxayna burburiyeen inta badan hantidoodii."

“Waxaan aragnay in dadku u baahan yihiin cunno, hoy, biyo nadiif ah iyo musqulo,” ayuu yiri Cabdikarim. Waxaan ka walwalsanahay faafida cudurada ka dhasha biyaha iyo cayayaanka, sida daacuunka iyo duumada, nadaafad darrada iyo xaaladaha nololeed ee meelaha dadku ku badan yihiin. Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay nafaqo-darada haysata carruurta sababtoo ah cuno yarida. Dadka halkan joogaa waxay horeyba ugu dhibtoonayeen inay noloshooda la soo baxaan ayagoo wajahaayay aafada COVID-19. Qaar badan oo ka mid ahi ma awoodaan qiimaha sii kordhaya ee quutal daruuriga.

Si ka-hortag ah, kooxaha MSF, oo la shaqeynaya maamulka caafimaadka, ayaa u qaybiyey dhammaan qoysaska ku nool xaafada Balade raashinka tamarta badan leh ee loo yaqaan 'Plumpy’Nut'. Waxay sidoo kale qaybiyeen bustayaal, sajaayadaha jiifka, maro kaneecada, saabuun iyo jeerigaano, waxayna abaabuleen hal mar oo nadiifin iyo qashin ka aruurin laga sameeyey hareeraha xeryaha baro-kacayaasha ee ku yaal galbeedka magaalada si loo caawiyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka.

MSF sidoo kale waxay siisay shaqaale caafimaad ee maxaliga ah tababar ku aadan ka hortaga iyo daaweynta daacuunka, iyada oo maamulka caafimaadka ee maxaligana ay ku qalabeeysay xirmoyin lagu daweeyo daacuunka oo daweyn kara in ka badan 600 oo bukaan ah oo qaba cudurka ka dhasha biyaha.

"Waxaan ka walaacsanahay dadka inay helaan biyo nadiif ah oo la cabo iyo nadaafad wanaagsan," ayuu yiri Cabdikarim. "Aad ayey muhiim u tahay in si dhaqso leh loo abaabulo loona keeno ilo dhaqaale si loo hagaajiyo xaaladaha liita ee biyaha iyo nadaafadda si looga hortago faafidda cudurada - gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo in Bosaaso ay u nugushahay daacuunka, iyadoo wakhtiyadii ugu dambeyey ee uu ka dilaacay ay tahay 2018, 2019 iyo Febraayo 2020."

Wax-qabadka MSF ee mudada-gaaban waxaa la fuliyey iyadoo la is kaashanayo hay'adaha caafimaadka, hay'adaha kale ee dawladda iyo bulshada. "Tani waa booqashadeenii ugu horeysay ee aan ku tagno

magaalada, kooxdeenuna waxay mudnaanta siisay taageerada dadka ugu nugul ee barakacayaasha ah, gaar ahaan kuwa ku nool dhinaca Balade," ayuu yiri Cabdikarim. "Mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo bulshada ayaa soo dhoweeyay kaalmadeenna deg-dega ah ee aan u fidino dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay duufaanta."

Kooxaha MSF ayaa sidoo kale ka shaqeynaya meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya si ay dadka u siiyaan daryeel caafimaad. "Guud ahaan Soomaaliya, waxaan raadineynaa in aan hubino in dadku ay helaan daryeel caafimaad meelaha baahiyahoodu aadka u daran yihiin iyo halka ay xaaladaha ammaanku ogol yihiin," ayuu yiri Cabdikarim. "In kasta oo ay tani runti tahay mid dhib badan, hadana waxaan ku tiirsanaan karnaa shaqaalaheena caafimaadka ee dadaalka badan leh ee Soomaaliyeed, kuwaasoo in badan oo ka mid ah ay horay ula soo shaqeeyeen MSF, si aan u dhisno karti iyo hubinta helitaanka daryeel caafimaad ee Soomaaliya.

________________________________________________________________________________________________________________________________________

Hay'adda caafimaadka caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières / Dhakhaatiirta aan Xudduuda Lahayn (MSF) waxay hawlo caafimaad oo joogto ah ka fulisaa isbitaalo ku yaal magaalooyin Soomaaliya ku yaal, iyadoo diirada la saarayo daryeelka caafimaadka hooyada, daryeelka caruurta, daryeelka gargaarka degdega ah, taakuleynta nafaqada, iyo ogaanshaha iyo daaweynta cudurka qaaxada (TB) iyo qaaxada u adkeysata daawooyinka . Meelaha qaarkood MSF sido kale waxay ka wadaa xarumaha caafimaad ee guurguura oo loogu talo-galay dadka barakacayaasha ah.

MSF waxa ay siisaa gargaar caafimaad iyo mid binu-aadanimo dadka ay saameeyeen iska-hor-imaadyada, cudurada faafa, musiibooyinka ama kuwaaan helin daryeelka caafimaad ee ilaa 72 dal. Ficiladeena waxaa haga anshaxa caafimaadka iyo mabaadii'da eex la'aanta, madaxbanaanida iyo dhexdhexaadnimada.