Tuberculosis

Hagaajinta daryeelka dadka qaba cudurka qaaxada ee daawada u adkaysta Somaliland iyo Puntland

Read in English

HARGAYSA, Somaliland, Maarso 23, 2021  - Hay'adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF waxay la shaqeyneysaa xarumo caafimaad oo ku yaal galbeedka Somaliland iyo Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo horumariyo daryeelka bukaannada qaba cudurka qaaxada ee daawada u adkeysta (DR-TB), iyadoo loo marayo baaritaan iyo daaweyn lagu daweynayo qorshe gaaban oo la horumariyey oo dawada afka laga qaadanayo.

Jocelyne Madrilene, oo ah madaxa barnaamijka qaaxada ee MSF ee Somaliland ayaa tiri "Qaaxadu waa welwel caafimaad oo soo jireen ah oo ka jira gobolkan." "Waxaan si gaar ah diiradda u saareynaa hagaajinta daryeelka dadka qaba cudurka qaaxada ee daawada u adkeysta maxaa yeelay way ku dhib badan tahay bukaanka iyo nidaamka caafimaad in ay maareeyaan."

Somaliland waxa soo foodsaaray culays aad u sareeya oo qaaxada ah, taas oo si fudud ku faafta marka xaaladaha caafimaad iyo kuwa nololeedba ay dadka ka dhigaan kuwo aad u nuglaada. Dadka ka soo cararaya iska horimaadyada soo noqnoqda iyo abaaraha ka jira gobolka ayaa inta badan ku nool xaafado isku dhow, taas oo kordhinaysa halista cudurka qaaxada ee qoyska dhexdiisa.

Noocyada qaaxada ee dawada u adkaysta way adagtahay in la daweeyo waxayna khatar galinayaan horumarka laga gaadhay la dagaalanka cudurka qaaxada. Qiyaas ay sameeysay Hay'adda Caafimaadka Adduunka 2019kii, waxay sheegtay in Soomaaliya iyo Somaliland ay 100,000 ee qofba qabaan 26 xaaladood oo cusub oo qaaxada u adkeysta daawooyinka sanad kasta, taas oo ka mid ah heerarka ugu sarreeya Afrika.

MSF waxay bilowday inay ka taageerto Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland (MoHD) baaritaanka iyo daaweynta cudurka qaaxada ee daawada u adkeysta (DR-TB) sanadkii 2019. Maanta, MSF waxay ku bixineysaa taageero caafimaad iyo farsamo isbitaalka qaaxada ee ku yaala Hargeysa iyo seddex xarumood oo qaaxada heer gobol ah oo ku kala yaal Boorama, Berbera iyo Burco. . Illaa iyo hadda, 96 bukaan ah oo qaba DR-TB ayaa lagu daweeyay qorshahan, 39 ka mid ah ayaa dhammaystay daaweyntoodii.

Barashada DR-TB

Sadiiq Ibraahim Maxamed, oo 20 jir ah, waa mid ka mid ah bukaanadi ugu horeeyey ee Hargeysa ku jira nidaamka dawaynta cudurka qaaxada ee daawada u adkeysta (DR-TB) ee gaaban, wuxuuna ka hadlay waaya-aragnimadiisa si uu ugu dhiirigeliyo dadka kale inay raadsadaan baaritaan iyo daaweyn.

"Waxaan is tuhmay ka dib markii uu igu dhacay qufac joogto ah, daal iyo qandho daran gaar ahaan habeenkii," ayuu yiri Maxamed. Welwelka aan xilligaas qabay wuxuu ahaa cabsi inaan qabo wax ka khatar badan qaaxo. Baaritaanadii kadib, dhakhaatiirtu waxay igu wargeliyeen inuu yahay cudurka qaaxada ee daawada u adkeysta (DR-TB), waxay baareen dhiigayga iyo xaakadayda si loo xaqiijiyo. Waxay ii macneeyeen inaan u baahanahay dawada cusub ee DR-TB oo loo yaqaan (bedaquiline) ... Waan nafisay oo waan aqbalay xaaladayda ka dib markii la ii sheegay sida loo daweyn karo qaaxada daawada u adkeysta (DR-TB). "(ka akhri sheekadiisa oo dhamaystiran halkan.)

MSF waxa ay hadda diiradda saareysaa gaarsiinta goobaha ay ku nool yihiin ku dhowaad 100,000 oo baro-kacayaal ah magaalada Hargeysa, si loogu dhiirigeliyo dadka in laga baaro cudurka qaaxada. Qof kasta oo qaaxo qaba, oo ay ku jirto tan daawada u adkaysata (DR-TB), ayaa markaa iska diiwaan gelin kara si loo daaweyo.

msb63008_medium.jpeg

"Waxa muhiim ah qof walba inuu ogaado in cudurka qaaxada la daaweyn karo, oo ay ku jiraan qaaxada daawada u adkeysta," ayay tiri Madrilene. Dadka qaba astaamaha cudurka qaaxada waa inay baaritaan ka raadsadaan xarun caafimaad maxaa yeelay daaweynta ayaa badbaadin karta nolosha dadka.

Sannadkii 2020, MSF iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland waxay bilaabeen diiwaan gelinta bukaannada qaba qaaxada daawada u adkeysta (DR-TB) ee ah nidaam daaweyn casriyeysan oo bukaannadana u fudud in ay dhamaystirtaan. Daawooyinka qaaxada e daawada u adkeysta (DR-TB) oo afka laga qaato waxay qaadataa muddo sagaal bilood ah, halkii laga qaadan jirey 20 bilood, oo ahayd heerka daaweynta caadiga ah. Nidaamka cusub waxaa ka mid ah daawada loo yaqaan bedaquiline, oo ah mid ka mid ah seddexda daawo ee keliya ee daaweynta qaaxada oo la soo saaray in ka badan nus qarni.

Puntland

Waqooyiga Gaalkacyo, MSF waxa ay taageertaa isbitaalka qaaxada oo u adeega dadka ku nool dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo gobolka Mudug. Ilaa iyo 2018, MSF waxa ay gacan ka geysatey daaweynta 51 bukaan ah oo muddo sagaal bilood ah daaweynta afka laga qaato loo siiyey qaaxada u adkaysata daawada(DR-TB), oo ay ku jirto daawada bedaquiline. 37 bukaan ah ayaa dhameystay daaweyntooda halka ay 14 wali u socoto daaweyn.

Ka guuritaanka daawada la isku duro ee loo guurayo daawada afka laga qaato ayaa u sahleysa bukaanada qaaxada ee daawada u adkeysta (DR-TB) DR-TB inay ku sii wataan daaweynta guryahooda halkii ay maalin walba ugu laaban lahaayeen xarun caafimaad si loogu duro irbad, sidii ay horeyba u aheyd. Bukaanku waxay iskood ugu maamushaan daawooyinkooda afka iyagoo guriga jooga isla markaasna kaashanaya xubin qoyskooda ah oo tababar helay. Bukaanku sidoo kale uma baahno booqashooyin badan in ay u yimaadaan xarumaha caafimaadka, maxaa yeelay nidaamka dawada laga qaato afka ayaa soo saara waxyeelo yar oo u baahan kormeer.

MSF waxay u fidisaa taageero bulsheed bukaanada qaaxada oo ay ku jiraan cunto, la-talin iyo taageero dhanka cilmi nafsiga ah.

Sheekada bukaanka: Sadiiq Ibraahim Maxamed

msb63011_medium.jpeg
Mid ka mid ah bukaannadi ugu horreeyey ee Hargeysa ku qaata dawada qaaxada ee daawada u adkeysta (DR-TB) afka laga qaato ee sagaalka bilood ah ayaa nala wadaagay sheekadiisa si uu ugu dhiirrigeliyo bukaanada kale inay daaweyn raadsadaan. Sadiiq Ibraahim Maxamed oo 20 jir ah, wuxuu ku noolaa magaalada Hargeysa in ka badan saddex sano, ka dib markii uu hore uga soo guuray dalka Jabuuti. Maxamed wuxuu xanuunsaday badhtamihii sannadka 2020, waxaana loo qaaday xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku taal magaalada Hargeysa. Baadhitaano ka dib, waxa laga helay DR-TB dhakhtarkuna wuxuu u gudbiyey cisbitaalka qaaxada ee Hargeysa.

Wuxuu bixiyay sheekadan soo socota:

Tani waxay ahayd markii iigu horaysay oo ay igu dhacday qaaxada baaritaankii kadib dhakhaatiirtu waxay igu wargeliyeen inay tahay qaaxada daawada u adkeysta, waxay iga baareen dhiiga iyo xaakada si loo xaqiijiyo. Waxay sharaxeen inaan u baahanahay dawada cusub ee qaaxada daawada u adkeysta (DR-TB) oo loo yaqaan bedaquiline, maxaa yeelay waxaan lahaa calaamado daba dheeraaday.

Ma garanayo sida aan ku qaaday cudurka laakiin waxaan is tuhmay ka dib markii uu igu dhacay qufac joogto ah, daal iyo qandho sare gaar ahaan habeenkii. Welwelka aan xilligaas qabay wuxuu ahaa cabsida inaan qabo wax ka khatar badan qaaxo. Waan nafisay waana aqbalay xaaladdayda kadib markii la ii sheegay sida loo daweyn karo DR-TB iyo sida ay ugu faafto dadka.

Maxamed ayaa la dhigay cusbitaalka qaaxada ee Hargeysa saddexdii bilood ee ugu horeysay ee daaweyntiisa, iyadoo xaaladiisa si dhow loola socday.

Kama aanan bixi jirin isbitaalka, laakiin markii qoyskeyga iyo eheladeyda ay i soo booqdaan, waxaan marwalba xirneyn maaskaro si aan isu ilaalino waanan ilaalin jirnay kala fogaanshaha jireed ee loo baahan yahay xiligan.

Way igu adkayd markii aan bilaabay daawada; Waxaan dareemay xoogaa saameyn ah sida matag. Qoyskeyga waxaa loo sheegay sida ay naftooda u ilaalin karaan inta ay wali aniga i daryeelayaan iyaga oo xiranaya waji dabool iyo qaabab kale oo looga hortago. Waxaa la ii sheegay in aan u baahanahay in aan cisbitaalka sii joogo muddo saddex bilood ah halkaas ayaan iska joogay aniga oo aan wax kale qaban laakiin daawadayda qaata.

Maxamed wuxuu rumeysan yahay in dad badan oo reer Somaliland ah aysan si fiican uga warqabin cudurka qaaxada ee daawada u adkeysata illaa ay ka saameyso.

Waxbadan kama aan ogeyn qaaxada ilaa ay igu dhacday naftayda waxaana jira dad bulshada dhexdeeda ka mid ah oo isku mid ah, laakiin waxaan kula kulmay isbitaalka dad waxaanan hadda u maleynayaa inay dad badani raadinayaan daaweyntiisa.

Dadku waxay ula falgalaan cudurkan si kala duwan. Xitaa haddii aad muujineyso calaamado, ma hubi kartid heerkaaga illaa aad u tagto baaritaan. Waxaa jira dad iska indhatira calaamadaha oo aan u aadin baaritaanka; kuwa kale ayaa isla markiiba taga baaritaan marki ay bilaabaan inay iska shakiyaan.

Waxaan ka walwalayay markii ugu horeysay ee aan agaado in cudurkan uu u baahan karo daaweyn mudo ka badan hal sano, laakiin markii la ii sheegay nidaamka cusub ee gaaban, waxaan dareemay runtii farxad.

Waxaan qaaday DR-TB intii lagu guda jiray cudurka faafa ee COVID-19, maadaama aan calaamado kuwiisa la mid ahna aan muujiyey awgood, dadku waxay iiga shakiyeen inaan qabo COVID-19 waana walwalsanaa. Dadku waxay ka baqayeen inaan qabi karay COVID-19 wayna iga fogaadeen, laakiin aniga layma faquuqin.

Bukaanku waxay ku dhameeyaan daaweyntooda qaaxada daawada u adkeysta (DR-TB) qaab bukaan-socod ah ka dib markii laga saaro cisbitaalka. Sadiiq ayaa sharxaya:

Waxaa naloo siiyaa daawada hal ama labo bilood si loo yareeyo imaatinka cisbitaalka maalin kasta. Aniga shaqsi ahaan waxaan doontaa daawooyinkeyga labadii biloodba mar waana nala baara markasta oo daawooyinka nala siiyo.

Ku Qaadashada daawooyinka banaanka isbitaalka ma badalin u hogaansanaanta taladayada dhaqtarka. Waxaan sameystay jadwal qaadashada daawooyinkayga subax kasta quraacda ka dib si aanan u seegin xitaa hal maalin. Waxaa la igula taliyay inaan aad uga taxadaro sida aan u qaato daawooyinkayga waana raacayaa. Tani way ku adkaan kartaa dadka ka shaqeynaya ama ku mashquulsan waxyaabo kale, inay iloobaan inay u qaataan sidii la rabay.

Dhakhaatiirta cisbitaalka si fiican ayey noola dhaqmayaan waxayna si joogto ah ula socdaan xaaladdeena. Haatan si fiican ayaan uga jawaab celinayaa daawada. Waxaan dhihi karaa waxaa la igu daweeyay dawooyin tayo leh oo aan qiimo igu fadhiyin. Waxaan dadka ka codsan lahaa inay raadsadaan baadhitaan iyo dawaynta qaaxada oo loo soo dhaweeyey