COVID-19 Coronavirus

Soomaaliya: Kooxaha MSF waxa ay ka jawaabayaan soo labakaclaynta caabuqa COVID-19

English version

Hal sano kadib markii ugu horeysay ee la soo sheego COVID-19, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysaa soo labo kaclaynta fayruska. Bishii Maarso, tirooyinka kiisaska ayaa kordhay boqolkiiba 66 bishii hore, sida ay sheegtay isku duwaha caafimaadka MSF Angela Ramirez.

Kooxaha MSF waxay taageerayaan wasaaradaha caafimaadka ee Soomaaliya iyo Somaliland oo bukaan ku baaraya goobaha laga soo galo isbitaalada, waxay xoojinayaan talaabooyinka looga hor-tagayo laguna xakameynayo infekshinka, waxayna siinayaan shaqaalaha daryeelka caafimaad ee safka hore qalab ay isaga ilaaliyaan xanuunka. "Tani waa mid muhiim ah, sababtoo ah ogaanshaha iyo ilaalinta shaqaalaha goor hore waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagula tacaali karo aafadan," ayay tiri Ramirez.

Kooxaha MSF ayaa sidoo kale bulshada ka wacyigelinaya cudurka iyo sida looga hortagi karo. Kooxo dhiirigeliyeyaal caafimaad ah ayaa gaarey kumanaan dad ah iyagoo isticmaalaya habab kala duwan, oo ay ku jiraan ogeysiisyo, qoraalada lagu dhajiyo darbiyada iyo waraaqo kale isbitaalada iyo goobaha dadka barokacay ku nool yihiin, iyo fariimo caafimaad oo lagu wadaagayo aaladda casriga ah ama baraha bulshada

Xaaladaha degdegga ah ee badan ayaa ka awood badin kara waaxda caafimaadka

"Labo kaclaynta COVID-19 ayaa dhab ka ah Soomaaliya," ayey tiri Ramirez. Tirooyinka waxaan ka arki karnaa in Soomaaliya ay la tacaaleyso kiisas cusub oo kusoo qulqulaya. Haddii arimuhu sidan kusii socdaan, waaxda caafimaadku ma xamili doonto. ”

Sanadkii la soo dhaafey, caabuqa ayaa uga sii daray guud ahaan xaalada bina-aadamnimo ee dalka, taas oo ay ahayd inuu dalka isku mar wax ka qabto saameynta dhibaatooyinka cimilada, waxyeelo ka timid ayaxa saxaraha, cakirnaanta doorashada, xasilooni darrada dhaqaale iyo soo noqnoqoshada iska-hor- imaadyada. Xaalad abaarta kahor ayaa sidoo kale baabi’ineysa qaybo badan oo dalka ah, oo ay ku jiraan gobolka Gedo iyo qaybo ka mid ah koonfurta-bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, taas oo keentay cunno yari iyo biyo yari aad u daran oo saameeyay dadka iyo duunyadaba.

Taageerada MSF si loo yareeyo gudbinta COVID-19

Si kor loogu qaado dhaqidda gacmaha oo ah talaabo fudud oo ka hortag ah oo waxtar u leh COVID-19, kooxaha MSF ee ka hawlgala Jubaland ayaa 32 goobood oo gacmaha lagu dhaqdo ka rakibay 28 kaam oo loogu talagalay dadka barokacayaasha ah iyo sadex cisbitaal oo heer degma ah (Elwak, Dhoobley iyo Afmadow). Deeqda heerkulbeegyada dhijitaalka ah waxaa la siiyay Wasaarada Caafimaadka, Jubaland waxaana loo isticmaalaa goobaha baaritaanka ee meelo kala duwan oo ka tirsan Jubaland oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo dekedda.

hand_washing_point_in_kismayu_idp-.png

Magaalada Kismaayo gudaheeda, kooxaha MSF waxay xirmooyinka nadaafada u qaybiyeen 2,000 oo qoysas barakacayaal ah waxayna ka shaqeynayaan ka hortaga iyo daaweynta nafaqo-xumada ba'an ee carruurta ka yar shanta sano.

Degmada Jilib, oo ah goob ay adag tahay in la gaaro oo ku taal koonfurta gobolka Jubada Dhexe, MSF waxa ay la shaqeysay hay'ad maxali ah, oo ah Somali Relief Rehabilitation and Development Organisation (SORDO), si kor loogu qaado wacyiga talaabooyinka ka hortaga COVID-19, hagaajinta nadaafada qoyska iyo dhisidda awoodda daryeelka caafimaad ee maxaliga ah si loo baaro, looga hortago loona xakameeyo COVID-19.

Magaalada Gaalkacyo, kooxaha MSF waxay gacan ka geysteen aasaasida iyo maaraynta goobaha baaritaanka ee COVID-19 iridaha laga soo galo sadex cisbitaal: Isbitaalka Gobolka Mudug, Isbitaalka Qaaxada ee Gaalkacyo iyo Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. Kooxaha MSF waxa kale oo ay taageero ka geysteen xarunta go'doominta ee Wasaaradda Caafimaadka ee ka baxsan isbitaalka gobolka Mudug. Si loo dhiirrigeliyo gacmo-dhaqashada, kooxaha MSF waxa ay xirmooyin nadaafadeed siinayeen haweenka uurka leh ee u imanaya la-talinta xarumaha caafimaadka guurguura ee ku yaal goobaha ay ku nool yihiin dadka barokacayaasha ah.

Magaalada Baydhabo, ee maamulka Koonfur Galbeed, kooxaha MSF waxa ay isbitaalka Gobolka Baay ku diyaariyeen talaabooyin ka hortaga iyo xakameynta cudurka, iyagoo siinaya agab, tababarro shaqaale, rakibidda goobo lagu gacmo dhaqdo iyo qaybinta qalabka la isaga ilaaliyo fayruska.

Jawaab deg deg ah Somaliland

Hargeysa, Somaliland, MSF waxay la shaqeysay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka si ay u tababarto koox ka jawaabeysa COVID-19 oo degdeg wax uga qabata, oo ka kooban shaqaale caafimaad oo muhiim ah oo ka socda cisbitaalada guud ee gobolka, ka hortagga iyo xakameynta cudurka iyo maaraynta bukaanka. Ku-deeqidda qalabka xanuunka (PPE) iyo qalab nadaafadeed ayaa la siiyay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Hargeysa. Intii u dhaxeysay Sebtember iyo Nofembar 2020, MSF waxay sidoo kale tababaro u qabatey shaqaalaha qolka gurmadka degdega ah waxayna siisay taagero xaga ka hortaga iyo xakameynta infekshinka isbitaallada dadweynaha ee lixda gobol ee Somaliland: Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Laas-Caanood iyo Ceerigaabo. Guud ahaan, MSF waxay u tababartay 146 shaqaale caafimaad ah iyo 60 shaqaale nadaafadeed ah mowduucyo ay ka mid yihiin maareynta kiisaska COVID-19, ka hortagga iyo xakameynta infekshinka iyo maareynta qashinka daryeelka caafimaadka.

Gobolka Sool, halkaasoo ay MSF ka taageerto isbitaalka guud ee Laas-Caanood, kooxda MSF waxa ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan baaritaanka bukaannada imanaya qolka gargaarka degdegga ah ee COVID-19 waxayna taageero muddo gaaban ah gaarsiiyeen xarunta go'doominta iyo daaweynta ee bilihii May iyo Juun 2020.

Qeybtii ugu horeysay ee tallaalka ayaa la helay

Iyadoo 300,000 ee ugu horeysay ee tallaalka Oxford-AstraZeneca lageeyey Soomaaliya usbuucii la soo dhaafay, waxaay leeyihiin rajo qaar ka mid ah dadka dalka ku nool oo gaaraya 15 milyan. In kasta oo ay timid qeybtii koowaad ee tallaalka, kooxaha MSF waxa ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan wasaaradaha caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya iyo Somaliland.

"Xitaa markii ay yimaadeen qeybtii ugu horeysay ee talaalada usbuucii la soo dhaafay, waxaa muhiim ah in la sii wado u hogaansanaanta talaabooyinka ka hortaga ah sida gacmo dhaqashada, waji xirashada iyo kala fogaanshaha dadka si looga hortago in saameyn dheeraad ah ay ku yeelato dadka Soomaaliyeed inta uu socdo cudurkaan," ayey tiri Ramirez. "Dalku wuxuu mudnaanta siin doonaa shaqaalaha caafimaadka ee safka hore, waayeelka iyo dadka qaba cudurada daba dheeraada, laakiin wali waxaa jira malaayiin dad kale ah oo naftooda u baahan in la ilaaliyo."