Cholera

5 Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Abaaraha, Nafaqo Darida Iyo Cudurada Ka Dilaacay Magaalada Baydhabo Ee Soomaliya

Iyadoo Soomaaliya uu ku soo wajahan yahay xilli-roobaadka shanaad oo xiriir ah oo la saadaalinayo inuu baaqi doono, kooxaha caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn (MSF) ayaa kordhiyey daboolista barnaamijyadayada nafaqeynta si ay u daboolaan kororka weyn ee carruurta ay nafaqo-darrada hayso ee magaalada Baydhabo, ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Aaggan waxaa si xun u saameeyay abaar aan joogsi lahayn, oo ah tii ugu darnayd muddo 40 sano ah, iyada oo ay ku jiraan colaado socday tobanaan sano, ammaan darro sii socota, iyo gurmad bini'aadminimo oo aan ku filnayn. 

Nafaqo-darrada ay kooxaheennu ku arkayaan carruurta waxaa sidoo kale uga sii daray cudurrada faafa ee dilaaga ah sida jadeecada. Heerarka cudurka ayaa si aad ah u kordhaya iyadoo dadku ay gabaad ka dhigtaan xaaladaha nololeed ee ciriiriga ah. Boqolaal guri oo cooshado ka sameysan iyo goobo aan rasmi ahayn oo magaalada oo dhan ah, adeegyada biyaha iyo fayadhowrka oo liita ayaa gacan ka geysta fiditaanka cudurrada biyaha ka dhasha sida daacuunka. Cudurada dillaaca waxay kordhiyaan khatarta nafaqo-xumada. 

Soomaaliya waxaa ku habsaday daadad, abaaro, colaado iyo cudurro dillaacay, kuwaas oo dhibaato u geysta dadka aan waqti u helin inay ka soo kabtaan dhibaato ka hor inta aanay mid kale dhicin. Iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku waayeen wax-soo-saarkoodii markii ay gabaabsiiyeen dalagyadii ay beerteen, xooluhuna ay ka dhamaadeen, ayaa waxaa wiiqantay awoodii ay dadku u lahaayeen in ay gaajada iska celiyaan. Waxaa jira fursado yar oo ay dadku ku masruufi karaan naftooda ama qoysaskooda meelaha ay ka yimaadeen. Qaar badan oo kale ayaa qeexaya xaalad quus ah - iyagoo aan garanayn halka ay ka heli doonaan waxay u baahan yihiin si ay u noolaadaan, iyagoo ku tiirsan gargaarka. 

 
msb139225_medium.jpg

Shaqaalaha caafimaadka bulshada oo qabanaayo wacyi gelin ku saabsan kor u qaadida caafimaadka barakacayaasha xerada Elbet, Baydhabo (© MSF/Suleiman Hassan) 

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan xaqiiqo oo ku saabsan abaaraha, nafaqo darida iyo cudurada ka dilaacay Baydhabo.

1. Baydhabo oo marti galisay dadka labaad ee ugu badan ee ka barakacay Soomaaliya 

Intii u dhaxaysay Janaayo iyo Ogosto 2022, in ka badan 200,000 oo qof ayaa soo gaaray Baydhabo. Tani waxay u dheer tahay qiyaastii 600,000 oo qof oo ku nool magaalada.1] Caasimadda Muqdisho ka dib, Baydhabo hadda waxay martigelisaa tirada labaad ee ugu badan ee barokacayaasha ah. 

MSF waxa ay ka shaqeysaa Baydhabo, halkaas oo kooxahayada nafaqeynta, jadeecada iyo daacuunka ay u adeegaan qiyaastii 20 boqolkiiba dadweynaha magaalada.

2. MSF waxa ay u adeegtaa 500 oo carruur ah oo ay nafaqo-xumo ba'an hayso toddobaadkii 

Intii u dhaxaysay bilihii Janaayo iyo Ogosto ee sanadkan, MSF waxa ay nafaqo darro ka baartay in ka badan 206,000 oo carruur ah oo ku nool guud ahaan Soomaaliya, iyada oo laga helay 23,000 oo iyaga ka mid ah ay nafaqo darro hayso. Qaar ayaa imaanaya barnaamijyada nafaqeynta ee MSF iyagoo ku sugan xaalad halis ah. 

Magaalada Baydhabo, oo aan ku wadno 20 xarumood oo nafaqeynta wareega ah oo aan ku leenahay iyo  32 goobood oo la socodka nafaqeynta, ayaa kooxaha caafimaadka waxay daweeyeen in ka badan 12,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo siddeedii bilood ee ugu horreysay sanadkan. Bishii Ogosto, hal toddobaad gudaheed, waxaan baarnay 955 carruur ah, waxaan caawinay 761 ka mid ah oo ka faa’iidaysteen barnaamijkeena nafaqeynta, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda qoysas dhowaan soo barakacay. Waxaan sii wadnaa inaan aragno ku dhawaad ​​500 oo carruur ah oo ay nafaqo-xumo ba'an hayso toddobaadkii. 

msb139223_medium.jpg
 Cunug yar oo cunaayo cuntada nafaqada ee caruurta oo laga siiyay xarunta OTP ee MSF ee xerada barakacayaasha Shabellow, Baydhabo (© MSF/Suleiman Hassan) 

3. Abaaraha iyo nafaqo darida ayaa sii xoojisay xaalad caafimaad oo markii horeba aad u liidatay 

Abaar xilliyeedyo badan ayaa ka sii dartay xaaladda nafaqeynta ee dadka, laakiin dhibaatada bini'aadantinimo ee daba dheeraatay waxaa had iyo jeer horseeda arrimo badan. Kuwaas waxaa ka mid ah nidaamka daryeelka caafimaadka Baydhabo oo la daala-dhacaayo sidii uu u gaari lahaa boqollaal kun oo dheeraad ah oo barakacayaal ah. Colaadda muddada dheer soo jirtay, adeegyada bini'aadantinimo oo aan ku filnayn, saamaynta cimilada, iyo sidoo kale sare u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka, ayaa sidoo kale gacan ka geysta xaaladaha adag ee dadka. 

4. Waxaa jira nafaqo-xumo iyo cudurro dilaa ah soo noqnoqda  

Nafaqo-xumada waxaa sii xumeeya cudurrada faafa, maadaama qofka nafaqo-darradu uu aad ugu nugul yahay infekshinka, infekshankuna uu ka qaybqaato nafaqo-xumada. 

  1. Jadeecada

Cudurka jadeecada ayaa ka dilaacay Soomaaliya, balse lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2022, dalka waxaa laga soo sheegay labanlaab tirada kiisaska jadeecada sanadka 2021. Intii u dhaxeysay Janaayo iyo Ogosto 2022, MSF waxa ay xarumahayaga oo dhan ee ku yaala Soomaaliya ku daweeysay in ka badan 5,460 carruur ah oo qaba jadeeco. Magaalada Baydhabo waxaa ka jira mowjado cusub oo jadeeco ah; ku dhawaad ​​30 boqolkiiba carruurta aan daaweyno waxay ka weyn yihiin shan jir badankooduna waxay ka soo jeedaan qoysas dhowaan yimid. 

  1. Daacuun 

Bishii Abriil, cudurka daacuun ayaa ka dillaacay Baydhabo. Intii u dhaxaysay Maajo iyo Ogosto, MSF waxa ay diiwaangelisay 14,112 bukaan oo u ku dhacay daacun caloolaha oo lagu daaweeyay 15 xarumood oo fuuq-celinta afka ah halka 989 bukaan ahna la dhigay xaruntayada daaweynta daacuunka. 

Si looga hortago faafitaanka cudurka halka ay degeen dadka soo barakacay, waxaan sameynay biyo dhaamin, koloriin iyo qodista ceelasha si loo hagaajiyo helitaanka biyo nadiif ah. Waxa kale oo aanu dhisnay 344 musqulood, waxaanu samaynay hawlo kor loogu qaadayo caafimaadka, waxaanu u qaybinay agabka muhiimka ah, oo ay ku jiraan saabuun iyo jeergaano ilaa 3,700 qoys. 

msb139172_medium.jpg
Kalkaaliyaha MSF oo cabbiraya xaaladda nafaqo ee ilmaha xerada IDP ee Elbet, ee Baydhabo (© MSF/Suleiman Hassan)

5. Jawaab degdeg ah, joogtayn oo ballaadhan waxay badbaadin kartaa nafo badan 

Ka shaqeynta Soomaaliya, amni-darrada ayaa weli ah arrin taagan. Meelo badan ayaa ay adagtahay in la gaaro halkaas oo laga yaabo in dadku ay si ba’an u saameysay abaarta oo ay aad ugu badan tahay cudurro iyo nafaqo darro. 

Waa muhiim in la daboolo baahiyaha caafimaad taas oo qayb ka ah wax ka qabashada bini'aadantinimo ee dhibaatadan oo ay ku jiraan barnaamijyo nafaqo oo isku dhafan, tallaallada jadeecada ee carruurta ka weyn 15 sano, tallaalka daacuunka afka, iyo tallaabooyin lagu hubinaayo biyaha iyo fayadhowrka bulshada.