Attacks on medical care

Colaadda daran ee ka jirta Laascaanood waxay ku khasabtay MSF inay joojiso adeegyadeedii caafimaad

24 July 2023 - Hay’adda Dhakhatiirta aan Xuduudda laheyn ee MSF waxay gaartay go’aan adag oo ku aadan inay joojiso adeegyadii ay ka fulin jirtay cisbitaalka guud ee Laascaanood ee gobolka Sool ee Soomaaliya*, kadib markii ay sare u kaceen colaadda iyo amni darro soo noq-noqotay taasoo saameysay adeegyadeedii caafimaad.

Weerarada soo noq-noqday ee loo geysanayay xarumaaha caafimaadka iyo colaadda daran ee ka jirta Laascaanood waxay MSF ku khasabtay in gebi ahaanba ay bixin weyso adeegyadii caafimaad. Sidaas darted lama damaanad qaadi karo ilaalinta badqabka bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka.

Dhacdadii ugu dambeysay 8-dii bisha July, Waxaa la weeraray cisbitaalka guud ee Laascaanood xilli dagaal uu socday, wuxuu dhaawac soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo ehelada bukaannada.

Dagaalka wuxuu sidoo kale burburiyay mid kamid ah gawaarida gurmadka deg degga ah, wuxuuna horseeday in la xiro qeybta cisbitaalka ay haweenka ku umulaan. Waa dhacdadii shanaad tan iyo 6-dii bishii February ee sanadkan. Dagaalladii horey uga dhacay Laascaanood waxaa ku dhintay shaqaale caafimaad iyo dad mutadawiciin ahaa oo ka qeybqaadnayay daweynta dadka dhaawaca ahaa.

“Waxaan ka qoomameyneynaa in aan joojinay bixinta gurmadkii caafimaad, anaga oo og in go’aankan uu saameyn ku yeelan helidda adeegyada caafimaad ee muhiimka ah-iyadoo dagaallada socda ay saameeyeen adeegyada caafimaadka” ayay tiri, Dana Karause oo ah madaxa MSF u qaabilsan Soomaaliya.

“Waxaan u baahanahay deegaan nabad ah oo xaqiijin karo badqabka bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka”.

Tan iyo bishii May 2019, MSF waxay kaalmo siineysay cisbitaalka guud ee Laascaanood iyadoo ugu deeqday dawooyin iyo kaalmo dhanka farsamada ah gaar ahaan qeybaha qaabilsan xaaladaha deg degga ah iyo qalliinka, iyo sidoo kale MSF waxay dhaqaale siineysay shaqaalaha bixinayay adeegyada la xiriiro taranka iyo dhalmada iyo sidoo kale baaritaannada iyo daweynta carruurta la daalaa dhaceysa nafaqo-darrada iyo cudurrada kale.

Sanadkii 2022-ka oo kaliya ah, shaqaalaha caafimaadka ee MSF waxay la talin caafimaad oo deg deg ah siiyeen 7,200 oo bukaanno ah halka ay ka qeyb qaateen caawinta carruurta ku dhalatay cisbitaalka oo gaareysa 2,000, waxaa nasiib darro ah in toddobaadkan in shaqaalaheena ay cisbitaalka siinayaan adeegyadii caafimaad ee ugu dambeeyay oo ay kamid yihiin adeegyada loogu talagalay in lagu daweeyo bukaannada kusoo dhaawacmay dagaallada.

Iyadoo uu soo afjarmay kaalmadii caafimaad aan siin jirnay Laascaanood waxaan weli kasii shaqeyneynaa gobolka Sool anaga oo sii xoojineyno adeegyadii caafimaadka ah ee muhiimka ah ee gaarka ah ee aan ka fulinno deegaanka Kalabaydh oo qiyaastii 40 kiiloomitar u jira Laascaanood, waana halka ay ku sugan yihiin dadka kasoo qaxay colaadda ee adeeg caafimaad u raadsaday halkaas.

In ka badan 40-kii sano ee lasoo dhaafay, MSF waxay ka jawaabeysay xaaladaha deg degga ah ee la xiriira adeegyada caafimaadka ee banii’aadanimo iyo nafaqo darrada soo noq-noqotay ee saameysay bulshada Soomaalida, waxaana carabka ku adkeyneynaa inay naga go’antahay sii wadidda howlaha gargaarka anagoo ilaalineyno dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta iyadoo la

dhowrayo anshaxa arrimaha caafimaadka ee caalamiga ah iyo xuquuqda fullinta howlaha banii’aadanimo. MSF waxay ku baaqeysaa in si buuxda looga hor istaagin xoriyadeeda si ay u gudato shaqadeeda.

*Magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool waa dhul ay isku hayaan dhinacyada Somaliland iyo Puntland, waana dhul caalamka uu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Soomaaliya. Faahfaahinta ku saabsan magacyada deegaannada aan halkan kusoo sheegnay kama turjumeyso mowqifka MSF ee ku aadan dhanka sharciga.