Surgery

Soomaaliya: Shaqo nolosha beddeleysa soo celineysana aragga indhaha 

Tan iyo sanadkii 2018, MSF waxa ay Soomaaliya ka waday barnaamijyada daaweynta indhaha oo xiriir ah, iyada oo bixineysay daweyn iyo qalliin loogu talagalay xaalado kala duwan oo indhaha si daciifayaan ah. 

Laga bilaabo qaliinka caadka indhaha fuulo ilaa daawaynta cudurada indhaha iyo bixinta muraayadaha aragga, barnaamijka daaweynta indhaha, waxaa laga helaa dhamaan daryeelka caafimaadka indhaha ee muhiimka ah. 

"Dhibaatooyinka indhaha, sida arrimo badan oo kale oo caafimaad oo Soomaaliya ka jira, badanaa lama daaweyn," ayuu yiri dhakhtar Fu'aad, isuduwaha caafimaadka MSF ee Soomaaliya. "Xaaladaha caadiga ah sida caadka indhaha ayaa inta badan keena indho la'aan haddii aan la daweyn. Luminta aragga ayaa  inta badan sababtaa in qofku waayo hab-nololeedka - waxay noqon kartaa mid aad u xun, gaar ahaan waddan ay saameeyeen colaadaha iyo faqriga. Taasi waa sababta qalliinkan fudud uu saameyn weyn ku yeelan karo nolosha bukaannada, hagaajinta fursadaha ay ugu nool yihiin nolol sharaf leh oo caafimaad leh. " 

Daaweynta indhaha waxaa lagu qabtaa isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka waxaana ka mid ah baaritaan, qalliin, daaweyn, wacyigelin caafimaad iyo la-talin. Tan iyo markii la bilaabay daaweynta indhaha, kooxaha ku takhasusay indhaha waxay gaareen kumanaan qof oo la nool cudurrada indhaha, marar badana ka caawiyay inay dib u helaan aragooda. 

"Waxaa jira abaabul iyo diyaargarow badan kahor barnaamijka indha daaweyn walba," ayuu yiri dhakhtar Fu'aad, "gaar ahaan waa inaan si fican u maareyno indha dhaaweynta anago kor ka hageeyno oo aan la shaqeyno bahwadaagta an wada shaqeeyno sababo ammaan dartood. Toddobaadyada ka horreeya daaweynta indhaha, waxaanu abaabulnaa bulshooyinya anago ku wargelino in ay dhici doonto barnaamij indha  daaweyn ah, maalmaha ka horreeyana, waxaan samayn doonaa xarumo caafimaad oo kala duwan oo  dadka lagu baaro si loo hubiyo inay u baahan yihiin qaliin, muraayado, baaritaan dheeraad ah ama daaweyn caafimaad. 

'Ma arki kartid carruurtaada ee awoowe mise ayeeyo u tahay, ka dibna si lama filaan ah ayaad u arkeysaa…’ 

Buurhakaba, MSF aya hadda ka waddaa barnaamik indha daaweyn oo cusub. 

"Bishii la soo dhaafay, waxaan deegaanka ka wadnay howlo wacyigelin ah," ayuu yiri Dr. Saciid oo ku takhasusay cudurrada indhaha oo shaqeeyo haayad maxali ah oo MSF ka taageertay bixinta adeegga daryeelka indhaha ee gudaha Soomaaliya. "Waxaan la hadalnay hoggaamiyeyaasha bulshada, waxaan sameynay inaan dadka kala hadalno idaacadaha iyo baraha bulshada ee ku saabsan barnaamijka daaweynta indhaha, iyo dhiirigelinta dadka inay yimaadaan oo ay ka faa'iideystaan ​​adeegyada baaritaanka bilaashka ah ee la bixiyo. Qofna kama bixin adeegyadan oo kale halkan ku dhawaad ​​20 sano. 

“Amaan darro awgeed, waxa ay noqotay in aanu si qarsoodi ah u soo galno magaaladan. Muddo labo saacadood ah ayaan Baydhabo kaga nimaanay, waxaana jira aagag adag oo halkaas iyo halkan u dhaxeeya, xaaladda amni awgeed. Waa inaan aad uga taxadarnaa markaad wadato baabuur. Marka aan dhammeyno barnaamijkan indhaha, waxaanu uga bixi doona magaalada si qarsoodi ah.  

"Ilaa hadda, waxaan samaynay ilaa 4,000 oo baaritaan ah oo xaga indhaha ah. Kuwaas, ku dhawaad ​​2,000 ka mid ah waxay ahaayeen dad waaweyn oo laga baadhay caadka indhaha iyo cudurrada kale ee indhaha sida glaucoma. Kooxdayadu waxa ay ka kooban yihiin afar dhakhtar oo indhaha ah iyo tiro kale oo dhakhaatiir kalkaaliyal indhaha ah, waxaanan hadda bilownay qalliinnada. Waxaan samaynay ilaa 500 ilaa hadda, waxaanan ka shaqayn doonaa halkan laba toddobaad oo kale. si wanaagsan ayay u socotaa.” 

Toddobaadyo shaqo wacyigelin ah, baaritaan iyo diyaargarow ayaa loo baahan yahay, waqtiga ay dhakhaatiirta qalliinka yimaadaan, wax walba waa diyaar. Qalliinka cataract (caadka) waxaa lagu sameeyaa suuxdin waana habsocod aad u gaaban, oo qaadanaya shan ilaa toban daqiiqo. 

Celcelis ahaan, ilaa 4,000 oo qof ayaa lagu daweeyaa inta lagu jiro barnaamij kasta.  

"Qaar badan oo ka mid ah bukaannadayada ayaa leh caadka indha fuulo," ayuu yiri Dr. Saciid. Maalmihii ugu dambeeyay, qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa iska fadhiya guryahooda, ma awoodaan inay wax badan qabtaan, sababtoo ah ma arki karaan. 

"Kadib markii aan qaliin u sameynay, way la yaabeen inay si fudud dib wax u arki karaan. Waa arin wanaagsan dhammaanteen inaan marqaati ka nahay dareenka nocaas ah. Mar kasta oo an qof daaweyno, waad arkeeysaa dareenkooda. Bukaanada indhaha intooda badan waa da'. Qaar ayaa noo sheegay in toban sano ama ka badan aysan awoodin inay arkaan. Ma arki kartid carruurtaada, ma arki kartid carruurta awoowe mise ayeeyo u tahay, si lama filaan ah, waad arkeysaa. Waa arin farxadeeda leh.”

Albaabo cusub oo furmaayaan 

"Waxa aan halkan ku samaynayno ma aha mid adag, xitaa qalliinka," ayuu yidhi Dr Fu'ad "Laakin waxay gabi ahaanba badaleysa nolosha dadka la daweeyey. Mar kaliya, dadku waxay dib ugu soo celin kartaa araggooda iyo madax-bannaanidoodii. Natiijadu waa isla markiiba oo la taaban karo. Hal nin oo aanu qaliin ku samaynay ayaa muddo shan sano ah indhoole ahaa balse si lama filaan ah ayaa wax u arkay”. 

MSF waxa ay sidoo kale taageertaa carruurta da'da dugsiga ah oo ay u sameysay adeegyo daaweynta indhaha oo lacag la'aan ah, carrurtaas oo qaar badan oo ka mid ah aan horay u helin baaritaanka indhaha. Indha daaweyn aan ku qabanay degmada Xudur ee Soomaaliya, in ka badan 4,000 oo arday dugsi ah ayaa indhahooda baritaan lagu sameeyay. Ilmo kasta oo u baahan muraayadaha arraga waxa la siiyay muraayad dhakhtarka u uqoray.  

"Carruur badan ayaa ku dhibtooday inay arkaan casharrada dugsiga," ayuu yidhi Dr Fu'aad. "Kadibna waxay yimaadaan xerada indhaha, waxaa la siiyay muraayado arraga ah oo bilaash ah, si loo wanaajiyo awooddooda waxbarasho, tayada noloshooda iyo fursadaha ay mustaqbalka u leeyihiin dhammaan  

"Muraayaha balaastigga caadiga ah ee aan bixino waa kuwo fudud oo aan qaali ahayn laakiin, sida wax badan oo kale oo ku saabsan mashruucan, waxay si buuxda u beddelaan noloshooda." 

Shantii sano ee la soo dhaafay, MSF waxa ay taageertay barnaamijyada indhaha ee magaalooyinka kala duwan ee gobollada, sida Baydhabo, Buurhakaba, Gaalkacyo, Garbahaarey, Dhoobley, Baardheere, Xudur, Kismaayo, Luuq iyo Muqdisho ee Soomaaliya iyo Laascaanood, Buuhoodle iyo Ceerigaabo ee Somaliland. 

Marka lagaso tago barnaamijyada daaweynta indhaha ee Soomaaliya iyo Somaliland, kooxaha MSF waxa ay ka shaqeeyaan cusbitaallada Baydhabo ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Waqooyiga Gaalkacayo ee Puntland, Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, iyo Somaliland sida Laascaanood iyo Hargeysa. Waxa ugu muhiimsan ee hawlaheenna caafimaadku waa daryeelka hooyada iyo carruurta, iyo daryeelka degdegga ah, taageerada nafaqeynta, ogaanshaha iyo daawaynta tiibishada (TB). MSF waxa ay sidoo kale maamushaa rugaha caafimaadka wareega si ay daryeel u gaarsiiso dadka ku nool xeryaha barakaca iyo bulshooyinka ku xeeran. 

Sannadkii 2021, kooxaha MSF waxa ay bixiyeen ku dhawaad ​​154,814 la-talin caafimaad ah, waxa ay 12,509 carruur ah ku daweeyeen nafaqo-xumo, waxaa ku dhalay xarumaheena ku dhawaad ​​8,805 carruur ah, waxaan daaweeynay 74 bukaan oo qaba cudurka qaaxada ee u adkaysta daawooyinka badan, iyo hawlo kale. Sannadkii hore, MSF waxa ay taageertay laba barnaamij oo daaweynta indhaha oo 4,022 bukaan ah an aragnay, 656 qalliin caadka indhaha ah, iyo 506 carruur ah oo muraayado la siiyay. Sannadkan 2022, MSF waxa ay taageertay wadar ahaan shan barnaamij oo indhaha ah iyada oo laba hadda ay socdaan.