Access to Healthcare

Soomaaliya: ‘Waxqabadyada indhaha’ waxay dadka siiyaan fursad ay mar kale wax ku arkaan

Maxamed Axmed, iskuduwaha mashruuca MSF ee Jubaland, koonfurta Soomaaliya
Read in English  

“Marwalba waa wax lagu farxo ah in la arko dad awood u leh inay wax arkaan mararka qaarkood ka dib markii ay sanado badan araga la’aayeen,”ayuu yiri Maxamed Axmed, iskuduwaha mashruuca MSF ee Jubaland, koonfurta Soomaaliya. “Waxaan isbedel weyn ku sameynaynaa nolosha dadka anaga oo albaabadooda ugu keenayno adeeg aad u fudud oo bilaash ah oo aysan awoodin inay iska bixiyaan. Dhoolla caddaynta ka muuqata dadka wejigooda marka ay mar kale arkaan waa mid aad loo xusuusto.

MSF waxay ka taageereysay wasaarada caafimaadka ee jubaland inay sameyso 'wax-qabado indhaha' ee loogu tala galay bukaanada ku nool gudaha iyo hareeraha Jubaland tan iyo sanadka 2019. Wax-qabadka indhaha, oo lagu qabto isbitaalada maxaliga ah, waxay bixiyaan adeegyo daryeel indhood oo bilaash ah, oo ay ku jiraan baaritaan, qalliin, daaweyn, wacyi galin caafimaad iyo la talin. Laga soo bilaabo 2019, kooxaha khabiirada indhaha waxay gaadheen kumanaan qof oo qaba cudurrada indhaha, oo inta badan ka caawiyay inay dib u helaan aragooda.

Dhibaatooyinka indhaha, sida arimo kale oo badan oo caafimaad oo ka jira Soomaaliya, badanaa lama daweeyo. Xaaladaha caamka ah sida xuubka indhaha daboola dhamaantood waxay badanaa keenaan indho la'aan haddii aan la daaweyn. Aragtida qofka oo lunta - taas oo inta badan horseedda in qofku lumiyo nolol-maalmeedkiisa - waxay noqon kartaa mid aad u xun, gaar ahaan waddan ay saameeyeen colaado iyo saboolnimo. Taasi waa sababta qalliinkan fudud uu saameyn weyn ugu yeelan karo nolosha bukaanada, ayadoo kor loo qaadayo fursadaha ay ugu noolaanayaan nolol sharaf leh oo caafimaad qabta.

Soomaaliya gudaheeda, tilmaamayaasha caafimaadka ayaa ka mid ah kuwa adduunka ugu hooseeya waxaana adeegyadeeda caafimaad ee aadka loo saaray culeys badan ay mudnaanta siiyaan daryeelka nafaha lagu badbaadiyo. Adeegyada takhasuska leh ee daryeelka indhaha ayaa ku dhowaad aan ka jirin qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, tirada yare ee dhakhaatiirta u tababaran indhaha ee wadanku leeyahay ayaa inta badan ku sugan magaalooyinka waaweyn.

Ma jiraan xarumo caafimaadka indhaha oo si joogto ah looga helo magaalooyinka Kismaayo, Badhaade, Afmadow, Ceelwaaq ama Baardheere, ama dhammaan gobolka Gedo ee Jubaland. Dadka qaba dhibaatooyinka indhaha ma lahan ikhtiyaar kale oo aan ka aheyn inay u raadsadaan daaweyn caasimada Muqdisho oo u jirta boqolaal kiilomitir. Dad badan oo ka soo jeeda bulshooyinka la hayb sooco iyo kuwa baro-kacay ma awoodi karaan kharashka safarkaa dheer ama bixinta kharashka daaweynta marka ay halkaas gaaraan.

Indhoolanimada la iska ilaalin karo ayaa dhibaato weyn oo caafimaad ka ah Soomaaliya, iyadoo xuubka indhaha daboola uu yahay sababta ugu weyn ee keenta indho la’aanta dib loo daaweyn karo. Qiyaastii 1.2% dadka Soomaaliyeed - in ka badan 100,000 oo qof - waa indhoolayaal.

Sababta ugu badan ee indho la’aanta waa xuubka indhaha daboola, oo inta badan ku dhacda haweenka ka weyn 50 jir. Indho-beelku waxay ku xiran tahay saboolnimo, saameeynta u keeno iftiinka UV-ga (cadceeda), boorka, isticmaalka muraayadaha indhaha oo hooseeya iyo ilaalinta UV, yaraanta fiitamiin A, macaanka iyo dhiig-karka. Xaaladda waxaa uga sii dari kara isticmaalka dawooyinka dhaqameed iyo wax-qabadyada indhaha ee ay sameeyaan dadka aan aqoonta lahayn.

MSF waxay bixisey taageero farsamo iyo agab si ay u fuliso wax-qabadyada indhaha. Iyagoo la shaqeynaya shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, kooxda MSF waxay iskaashi la sameeyeen dhakhaatiirta ka socota hay'adda Save the Vision, oo ah hay'ad daryeelka indhaha ku takhasustay, oo fadhigeedu yahay Soomaaliya si ay u fuliso wax-qabadyada indhaha ee Kismaayo iyo Baardheere si loogu daaweeyo dadka loona dhiso awoodda kalkaaliyayaasha caafimaadka ee degmada, dhakhaatiirta iyo rugaha caafimaadka si dadka looga baaro dhibaatooyinka indhaha, loo siiyo daryeel loona diro daaweyn takhasus leh markii loo baahdo.

msb54292_medium.jpg

“Badanaa waxay qaadataa hal bil in la dhameeyo hal wax-qabad indhood,” ayuu yiri Maxamed. Abaabulka bulshada waxaa lagu sameeyaa idaacadaha maxalliga ah iyo TV-ga muddo labo toddobaad ah, oo ay weheliso diiwaangelinta iyo baaritaanka bukaannada. Daaweynta iyo qaliinnada waxaa lagu sameeyaa labada toddobaad ee xiga. Nidaamka qaliinka loogu sameynayo bukaanka indhaha wuxuu inta badan qaataa illaa 30 daqiiqo, waxaanan la hawlgalnaa sadex dhakhtar oo qalliin ah si ugu badnaan 20-25 bukaan ah loogu qalo maalin keliya.

Sanadkii 2020 wuxuu ahaa sanad aad u adag oo adeeg caafimaad laga bixiyo meelaha fogfog ee Soomaaliya, sababo la xiriira xadiddaada dhaqdhaqaaqa sahayda iyo shaqaalaha oo la xiriira Cudurka faafa ee COVID-19. Laakiin inkasta oo ay jireen dhibaatooyin, MSF waxay ku guuleysatay inay sii waddo adeegyadeedii daryeelka indhaha ee aaga Jubaland. Labadii bilood ee u dhaxeysay 25 Noofambar 2020 iyo 25 Janaayo 2021, kooxda MSF ee Jubaland waxay taageertey labo wax-qabad oo indhaha ah, oo ku kala yaal Kismaayo iyo Baardheere, halkaas oo 604 bukaan ah lagu sameeyey qalliin indhaha ah oo aragtidoodiina dib u helay 2,430 qof ayaa laga daweeyey xanuunada indhaha ee fudud ama dhexdhexaad ah; iyo 1,306 qof oo la siiyay muraayadaha akhriska si kor loogu qaado aragtidooda ama muraayadaha indhaha si looga ilaaliyo indhahooda shucaaca UV ee waxyeelada leh.

Si loo yareeyo halista cudurka COVID-19, kooxda MSF iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee maxalliga ah waxay hagaajiyeen adeegyadooda isla markaana waxay hirgeliyeen tallaabooyin adag oo ah xakameyta iyo ka hortagga caabuqa. Kooxuhu waxay soo xirteen maaskarooyin iyo gaashaanka wajiga waxayna hirgaliyeen kala fogaansho bulsho si loo hubiyo badqabka bukaanada iyo shaqaalahaba.

“Aaditaanka Kismaayo iyo Baardheere iyadoo lagu guda jiro caabuqa faafa ee COVID-19 waxay ahayd mid muhiim ah si loo caawiyo koox dad ah oo aad u nugul,” ayuu yiri Maxamed. “Badanaa ma awoodaan inay bixiyaan qarashka ku baxa gaadiidka aadaya magaalo ay ka helaan adeegyada daryeelka indhaha, iskaba daa qiimaha qalliinada. Taa badalkeed, waxay yimaadeen goobahayaga indhaha lagu daryeelayo, halkaas oo natiijada iyo saameynta qalliinadaan ay degdeg yihiin.”

Ka sokow wax-qabadyada indhaha ee gobolka Jubaland, magaalooyinka kale ee ka faa'iideysanaya adeegyadan ay taageeraysay MSF sanadihii la soo dhaafay waxaa ka mid ah Baydhabo, Gaalkacayo, Garbahaarey iyo Laas-Caanood, Buuhoodle iyo Ceerigaabo ee Somaliland.