Read in English
Baydhabo / Gaalkacyo / Laascaanood / Hargeysa, 13 May 2020: Faafidda COVID-19 waa masiibo caalami ah oo aan horay loo arag. Médecins Sans Frontières / Dhakhaatiirta Aan Xudduuda Lahayn (MSF) waxay sameyneysaa wax kasta oo ay kari karto si ay uga jawaabto arinkaan Soomaaliya iyo Somalilandba, iyadoo aan ku dadaaleyno in aan sii wadno wax-qabadyada naf badbaadinta ee muhiimka ah ayadoo ay caalamka oo dhan ka jirto yaraanta sahayda iyo xaddidaada dhaqdhaqaaqa shaqaalaha.
Xataa ka hor inta uusan bilaamin qalalaasaha COVID-19, Soomaaliya waxaay la daalaa dhacaysay caqabado bini’aadanimo oo aad u weyn. Malaayiin dad ah ayay guryahooda ka saareen colaado, masiibooyin la xiriira cimilada, sida abaaraha, dhibaatada ayaxa iyo fatahaado. Todobaadyadii la soo dhaafay, roobab mahiigaan ah ayaa mar kale sababay daadad qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in ka badan 500,000 oo qof in ay saameeyeen kana burburiyeen guryihii, dhul-beereedkii iyo hab-nololeedkii kale.
Iyada oo laga jawaabayo daadadkan hada jira, waxaan degdegsiinyo ugu diraynaa sahayda caafimaad ee daruuriga ah mid ka mid ah meelaha ay dhibaatadu saameysey, oo ah degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, si aan si deg deg ah uga caawino xakameynta halista cudurada ka dhasha biyaha sida daacuunka. Kooxaheena waxay sidoo kale siin doonaan isbitaalka degmada xirmooyin ah alaabta nadaafada, maro kaneecooyin iyo maacuunta jikada si loogu qaybiyo 2,500 oo qoys oo baro kacay. In badan oo ka mid ah dadka jooga aagaas ayaa haystay waqti yar oo ay kaga soo kabtaan daadadkii hore ee dabayaaqadii 2019.
Waxaan hadda wajahaynaa xaalad aad u adag. Iyadoo kiisaska la xaqiijiyay ee COVID-19 ay si dhakhso leh kor ugu kacayaan guud ahaan dalka, waxaanaan hilmaami karin baahiyaha bulshada Soomaaliyeed. Waxaan ku dhibtoon doonaa sidaan u qoondeyn lahayn feejignaan iyo inkaaniyaad aan wax uga qabano cudurkan cusub, kaas oo aan wali wax ka baranayno, iyadoo aan sidoo kale ka jawaabeyno dhammaan baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira. Qoysaska waxaa ku saamayn doona masiibooyinka cimilada, haweenku waxay sii wadi doonaan dhalmada, caruurtuna waxay sii wadi doonaan inay u bukoodaan nafaqo-xumo, bukaanada qaba cudurada daba-dheeraadana waxay u sii baahan doonaan daawo. Waxaas oo dhami waxay dhacayaan xilli awooda wax-qabadka bini-aadanimada ay yaraatay caalamka oo dhan, ”ayaa uu yidhi Gautam Chatterjee, oo ah wakiilka MSF ee Soomaaliya iyo Somaliland.
Todobaadyadii la soo dhaafay, MSF waxay la shaqayneysey hay'adaha caafimaadka ee Soomaaliya, Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hay’adaha kale ee caafimaad si ay ugu diyaar garoobaan imaatinka COVID-19 ee Soomaaliya iyo Somaliland.
Magaalooyinka sida Laascaanood, Gaalkacyo iyo Baydhabo, oo aan markii horeba daryeel caafimaad ka bixinaynay, kooxaheena waxay sameeyeen goobo laga kontoroolo nadaafada iyo tallaabooyin ka- hortag ah oo lagu ilaalinayo bad-qabka shaqaalaha safka hore. Tan waxaa ka mid ah tababar ku saabsan ka hortaga iyo xakameynta jeermiska iyo sida loo aqoonsado astaamaha COVID-19 iyo kala soocista kiisaska looga shakisan yahay. Waxaan sidoo kale la shaqeyneynaa bulshooyinka si aan u hubino inay ka warqabaan qaababka lagu yareyn karo halista cudurka iyo inaan siino maamulada talo farsamo iyo siday wax u qaban lahaayeen si ay u dhisaan qaybihii dadka lagu gaar yeeli lahaa.
Jubaland waxaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ugu deeqi doonaa qalabka lagu cabiro heer-kulka iyo alaabo nadaafada lagu isticmaalo si loo xoojiyo awooda baarista iyo diyaarsanaanta mas'uuliyiinta maxalliga ah.
Magaalada Hargeysa, ee caasimada Somaliland, ayaa MSF waxa ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ku taageereysaa wax-qabadkooda COVID-19. Taageerada MSF waxaa ka mid ah xoojinta talaabooyinka xakamaynta iyo ka hor-taga jeermiska, tababarka shaqaalaha qaybta gargaarka degdega ah iyo wadayaasha ambalaaska, iyo inaan siino taageero ku meel gaar ah shaqaalaha caafimaadka.
Yaraanta qalabka loo isticmaalo ka hor-taga COVID 19 (PPE) aduunka oo dhan iyo qalabka kale ee caafimaad oo daruuriga ah ayaa saameeyey Soomaaliya iyo Somaliland iyo shaqadii MSF ee gobolka. MSF waxay ka shaqeyneysaa sidii xal loogu heli lahaa in laga gudbo yaraantaas qalabka si loo qalabeeyo loona ilaaliyo shaqaalaheena iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee ka shaqeeya xarumaha aan taageerno iyo in la hubiyo sii wadida daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah.
"Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ee safka hore iyo shaqaalaha kaleba waa in la ilaaliyaa oo ay helaan tababar ku filan oo ku saabsan u diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka," ayuu yiri Chatterjee. Iyaga la’aantood, majirto wax ka qabasho caabuqa (masiibada,) ama baahiyaha caafimaad ee guud, sidaa darteed waa inaan ilaalino oo ay xor ka ahaadaan caabuqa si loo daweeyo bukaanada.
Welwelka weyn ee MSF waa dadka ku sugan halis badan, sida bukaanada qaba duruufo caafimaad oo liidata, dadka da'da ah iyo kuwa nugul ee ku nool duruufaha khatarta leh sida xeryaha iyo magaalooyinka dadku ku badan yihiin. Waxaa jira dhowr milyan oo barakacayaal ah, qaxooti iyo muhaajiriin ku nool Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo aan helin adeegyadii aasaasiga ahaa, oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, biyo nadiif ah iyo fayodhowr haboon. Si wayn ugu faafitaanka COVID-19 meelaha sidaan oo kale ah ee inkaaniyaadkoodu yar yahay waxay culays badan saari doontaa nidaamka caafimaad ee awalba awoodiisu yarayd culays badana saarnaa. Sidaa darteed waa muhiim in lagu faafiyo wacyigelinta bulshada dhexdeeda iyo in la kordhiyo baaritaanka iyo awooda raadraac ama daba-galka dadka ay xiriir la sameeyeen kuwa xanuunku haleelay.
“Waxaa muhiim ah in la hubiyo in aan la iloobin meelaha inkaaniyaadkoodu hooseeyo sida Soomaaliya, kuwaas oo cawaaqibka uga yimaada si toos ah iyo hadhow dambaba ay noqon doonto mid qotodheer. Tani waa inay noqotaa daqiiqad loo midoobo wadajirka caalamiga ah waxaanan u baahanahay inaan gacmaha is-qabsano si aan uga gudubno caqabadan weyn,”ayuu yiri Chatterjee.
MSF waxa ay gargaar caafimaad iyo mid bani'aadanimo siisaa dadka ay saameeyeen iska-hor-imaadyada, cudurada faafa, masiibooyinka ama kuwa laga reebay inay daryeel caafimaad helaan ee 72 wadan. Ficiladeena waxaa hagaya anshaxa caafimaadka iyo mabaadii'da eex la’aanta, madax-bannaanida iyo dhexdhexaadnimada.
Waxaan ka shaqeynaynay Soomaaliya iyo Somaliland ilaa 1991. Sanadkii 2013, MSF waxaa lagu qasbay inay dalka ka baxdo kadib markii weeraro isdaba joog ah lagu qaaday shaqaalaheena. Kooxaheenu waxay dib u bilaabeen daweynta bukaanada bishii Maajo 2017, iyagoo garowsan baahiyaha waaweyn ee caafimaad oo bulshada haystay.
Waqtigaan, MSF waxaa ay hawlo caafimaad ka fulisaa isbitaalo ku yaala magaalooyinka, iyada oo diiradda la saarayo daryeelka hooyada, carruurta iyo daryeelka gargaarka degdega ah, taageerida nafaqo-darada, iyo ogaanshaha iyo daaweynta cudurka qaaxada (TB) iyo waliba qaaxada u adkeysata dawooyinka. MSF waxaa ay sidoo kale xarumah guur guura ee caafimaad u fidisaa dadka gudaha ku barokacay. Waqtigan xaadirka ah, MSF waxaa ay howlo caafimaad oo muhiim ah ka bixisaa magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood (Soomaaliland), Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Puntland, Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug iyo Baydhabo ee Koonfur-galbeed.