Newsletter block in header

prev
next

Languages

You are here

Gaarsiinta daryeel caafimaad dadka ku nool bartamaha Soomaaliya

Qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xilligan waxaa saameeyay fatahaad, taasoo ka kexeysay boqollaal kun oo ruux guryahooda isla markaana dhalisay dhibaato bini'aadannimo. Laakiin xitaa fatahaadda kahor, dadka ku nool Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo aad u nugul kaddib sannado badan oo ay la daala-dhacayeen dagaallo daba dheeraaday.

Gaalkacyo, oo ah magaalo ku taal bartamaha dalka Soomaaliya, waxay hoy u tahay dad aad u tiro badan oo gudaha ku soo barakacay kuwaasoo ka soo cararay rabshadaha, abaarta iyo khataraha kale ee ay sababtay cimillada dalka ka jirta. Magaalada waxay kaloo ay martigelisaa dadka muhaajiriinta ah iyo qoxootiga, iyo sidoo kale dadka ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee dalka deriska ah ee Itoobiya, kuwaasoo raadinaya daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Isbitaalka Gobolka Mudug waa isbitaalka ugu weyn ee magaalada Gaalkayo, kaasoo u adeega nus milyan qof. Hay’adda MSF waxaay taageereysay isbitaalka illaa bishii May 2017. Maanta, waxaan ka hawlgalnaa qeybta gargaarka deg-degga ah, waxaan daryeel nafaqo siinnaa carruurta nafaqo-xumada hayso, waxaan daweynaa dadka qaba cudurka qaaxada, waxaan caawimaad siinnaa haweenka uurka leh. Waxaan kaloo maamulnaa xarumaha caafimaadka guur-guura. Kuwani waa qaar ka mid ah sheekooyinka bukaannada ay MSF caawiso ee Galkacyo.

READ IN ENGLISH​

MSF in Galkayo, Somalia

Khadro Axmed Cabdi, oo ah 28-jir ayaa tiri: “Gabadhayda Farxiya aad bay u tabar yareyd mana aysan jawaabeyn - waxay u muuqatay inay suuxsan tahay. Markii aan isbitaalka soo gaarnay qiyaastii 3dii galabnimo aad ayaan u walalsanaa. Kalkaaliyaasha caafimaadka ayaa isla markiiba geeyay qolka gargaarka degdegga ah.

Markii gabadheeda oo 11 bilood jirtay ay xanuunsatay, Khadro dariskeeda waxay kula taliyeen inay aadaan Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo oo shan saacadood looga safro tuuladooda Jiracle, oo ka tirsan gobolka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo ninkeeda uga soo tagtay siddeeddii carruur ee ka weynaa Farxiyo si uu u sii hayo. Qoyska, oo ah xoolo dhaqato, waxay ku nool yihiin gobol abaartu ku dhufatay, hal mar ayayna cunaan cunto maalintii. Farhiya waxaa haysay nafaqo-xumo aad u daran, markii ay timid Gaalkacyo-na waa ay miyir beelsanayd. Kalkaaliyayaasha caafimaadka ee qaybta gargaarka deg-degga ah waqti kuma aysa lumin inay sii sugaan ee halhaleel ayay ugu gudbiyeen xarunta nafaqo-soo-celinta ee bukaan-jiifka Isbitaalka Gaalkacyo.

"Kadib markii aan helay daryeel caafimaad oo haboon iyo caano nafaqaysan iyo buskutka [oo ah mid leh dux badan], gabadhaydu way fiicnaatay laba maalmood ka dibna waxaan awoodnay inaan ku laabano gurigeennii," ayay tiri Khadro. Daryeel caafimaad la'aantii, carruur badan oo sida gabadheeda oo kale ah ma badbaadi lahayn, ayay tiri.

Abaarta iyo rabshadaha

Heerarka nafaqo-xumada carruurta ee aadka u sarreysa ayaa ku badan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan qoysaska barakacayaasha ah ee rabshadaha iyo abaartu ku qasbeen in ay guryahooda ka baxaan kuwaas oo inta badan ku nool deegaanada saboolka ah. Intii u dhaxaysay bilihi Jannaayo iyo Agoosto ee sannadkan, Hay’adda MSF waxaay isbitaalkani ku daweysey ku dhowaad 2,000 oo carruur ay nafaqo-xumo haysay.

Xilliyadii roob yaraanta ee sanadihii dhowaa, oo ay sii xumeeyeen saboolnimo iyo duruufo adag oo nololeed , ayaa sare u qaaday heerarka nafaqo-xummada. Sannadkan gudaha Soomaaliya, qiyaastii 903,000 oo carruur shan sano jir ka yar ayaa nafaqo-xumo daran wajahaya, oo ay ku jiraan 138,000 oo la silicsan nafaqo-xummo aad u daran, sida ay sheegtay hay’ada Unicef.

Bilaal oo siddeed bilood jir ah ayaa ag-jiifay hooyadiis sariir taal qeybta jiifka carruurta ee isbitaalka Gaalkacyo kaasoo kooxda caafimaad ee guur-guurta ee Hay’adda MSF u soo gudbiyeen isbitaalka kaddib markii ay kula kulmeen gurigooda oo ku yaalla xerada barakacayaasha ee Buulo Bacley., Bilaal ayaa ka soo kabanaya shuban-biyood daran.

“Bilaal wuxuu shubmaayay muddo saddex maalmood ah, si daranna wuu u fuuq-baxay”, ayay tiri, hooyadiis, Kawsar Ibrahim oo 25 jir ah, oo ay seddexdeeda caruur oo waaweyn guriga la joogaan ninkeeda oo ah shaqaale muruq-maal ah. “Waxaa lasiiyay daawo isla markii aan nimidba. Shubankii hadda waa joogsaday wiilkeyguna wuu fiicanyahay. Aad ayaan ugu faraxsanahay Bilaal inuu caafimaad qabo oo awoodi doono dhowaan inuu mar kale ku ciyaaro guriga.

Shan maalmood kaddib markii daaweyn loo jiifiyay isbitaalka, Bilaal wuxuu diyaar u yahay inuu ku noqdo gurigiisa.

Xaaladaha nololeed ee liidata iyo dadka cusub ee imaanaya

Magaalada Gaalkacyo waxay u qaybsan tahay laba dhinac oo kala leh xudduudo maamul, iyada oo waqooyiga iyo koonfurta mid kasta uu maamul goboleed hoostago. Dadka magaalada ayaa waxaa tiradooda kor u qaadaya in ka badan 100,000 oo barakacayaal ah oo ka kala yimid guud ahaan Soomaaliya, kuwaas oo ku nool xeryo ay ku yar yihiin adeegyada ay u baahan yihiin. Qaarkood waxay barakacayaal ahaayeen sannado. Isbitaalka Guud ee Mudug oo ay Hay’adda MSF taageerto, ayaa daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah siiya dadka barakacayaasha ah ee ka kala yimaada labada dhinac ee magaalada.

“Galkacayo hadda waxay leedahay in ka badan 70 xero oo barakacayaal ah, iyada oo dad badani ay asbuuc walba uga yimaadaan gobollada dalka ee colaadaha iyo abaarta ku habsatay,” ayuu yiri Bashiir Muuse Xasan oo ah Ku xigeenka Maareeyaha Hawlgallada Caafimaadka ee Hay’adda MSF ee Isbitaalka Guud ee Mudug. “Kooxaheena caafimaadka ee guur-guura waxay booqdaan 23 xero ku dhawaad maalin kasta, iyagoo bixiya daryeel caafimaad iyo una gudbiya bukaannada qaba baahi caafimaad oo aad u daran Isbitaalka Guud. Dadka soo barakacay ma haystaan biyo ama cunno ku filan sidaa darteed waxaa jira tiro badan oo carruur nafaqo-xumo ay hayso. ”

Foosha dheeraata

Cartuurtu ma ahan kuwa kaliya ee ugu nugul Gaalkacyo. Soomaaliya gudaheeda, heerka dhimashada foosha dheeraata ay sababto ayaa aad u sarreysa marka loo eego adduunka..Maaraynta dhibaatooyinka soo wajaha hooyada waqtiga uurka ay leedahay iyo foosha dheeraata ayaa caqabad weyn ku ah shaqaalaha caafimaadka iyo sidoo kale qoysaska ay ka soo jeedaan haweenka uurka leh.

Deeqa Cawil Xasan, oo ah hooyo 32-jir ah oo leh toddobo carruur ah, ayaa dhowaan ku dhashay Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo iyadoo loo sameeyey qalliin-ku-dhalin, kaddib markii ay ogolaansho ka heshay qoyskeeda, kaddib markii dhakhaatiirtu ay ku wargaliyeen inaysan si caadi ah u dhali karin.

“Waxaan ku jiray toddobaadkeygii 25aad ee uurka markii ilmo-galeenkaygu bilaabay dhiig-bax. Ugu horreyntii waxaa la ii qaaday isbitaalka Galdogob (magaalo Soomaaliyeed oo ku dhow xadka Itoobiya) ka dibna dhakhaatiirta ayaa iisoo gudbiyay isbitaalkan,”ayaa ay tiri Deeqa, oo ka soo jeeda degmada Bookh, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Kani wuxuu ahaa uurkaygii toddobaad ee waana aan yara cabsanaayay. Nasiib wanaag, waxaan dhalay wiil caafimaad qaba. Aad ayaan ugu faraxsanahay in cunugeeyga iyo aniguba aan caafimaad qabno. Waxaan rabaa in aan ugu magac bixiyo wiilka 'Cabdi Nasiib' sababta oo ah wuxuu nasiib u yeeshay in uu dhasho isagoo nool. "

Bishii June 2019, kooxda caafimaadka ee Hay’adda MSF ee Isbitaalka Guud ee Mudug waxay qaabileen in ka badan 170 haween oo la kulmay dhibaatooyin xagga dhalmada ah marka lagu daro 19 kale oo u baahday qalliin-ku-dhalin deg-deg ah. Bashiir ayaa yirii: “Tiradaas, ayaad ka qiyaasi kartaa sida ay adeegyadan muhiim ugu yihiin bulshada maxalliga ah.

Dhiig-baxa ilmo-galeenka ah ee gudaha ka dhaca ayaa inta badan ku dhaca haweenka xilliga uurka, sida u sharraxay dhakhtarka dhalmada, Cabdullaahi Maxamed Muuse, basle boqolkiiba 30 oo keliya ee dumarka qaba xaaladdan ayaa u baahda qalliin. "Waxaan ilaalinaa oo aan kormeernaa xaaladda si aan go'aan uga gaarno wax-ka-qabashada aan sameyno si aanu ku badbaadino hooyada uurka leh iyo caruurteeda," ayuu yiri Cabdullaahi.“Qalliinnada noocan oo kale ah [qalliinnada degdegga ah] waxaa loo baahan yahay oo keliya marka nolosha hooyada uurka leh ay halis ku jirto.Waxaan isku daynaa inaan sharaxno taas oo aan ku qancino qoysaska hooyada uurka leh muhiimadda ay leedahay badbaadinta nolosha hooyada.Tani waxay caawinaysaa in la yareeyo heerka dhimashada hooyooyinka xiliga dhalmada ee Soomaaliya. ”

Cudurka Qaaxada​

Kooxaha caafimaadka ee Hay’adda MSF ee Isbitaalka Mudug ayaa sidoo kale ka shaqeynaya inay yareeyaan saameynta cudurka qaaxada (TB), oo ah cudur si fudud ugu faafa bulshooyinka danyarta ah iyo mararka dadku aad iskugu badan yihiin, sida xeryaha dadka barakacayaasha ee Gaalkacyo. Gudaha Soomaaliya, ogaanshaha in qof qaaxo qabo iyo daaweyntiisa badanaa lama heli karo ama waxayba halis u tahay in carqalad (kala go’) ku timaado, taas oo sababi karta in bukaanku yeesho u adkaysi daawo ama aysan dawadii waxba u tarin.

Waqti xaadirkan 172 bukaan ayaa ka diiwaan-gashan barnaamijka daaweynta qaaxada daawada u nugul iyo mida aan daawada u nugleyn, halka qeybtii hore ee sannadka 2019, ku dhawaad 100 bukaan ay si guul leh ku dhameysteen daaweyntoodii. Inkasta oo guulo la gaaray, waxaa weli jira caqabado. Nuur Axmed Nuur, oo maamuliyey qaybta qaaxada (TB) illaa iyo markii la aasaasay, ayaa sheegaya in bukaannada dawada iska joojiya inay si toos ah u qaataan ay noqon karaan dhibaato. Si looga hortago dhibaatadan, kooxdu waxay la shaqeysaa bulshada waxayna ku dhiiri-gelisaa bukaannada inay la yimaadaan qof qaraabo ah oo iyaga ka caawiya inta daaweyntu socoto.

Daba-galkoodu wuxuu naga caawin doonaa inaan hubinno in dhammaan bukaannada ay qaataan daawooyinkooda maalin walba,”ayuu yidhi Nuur "Tani waxay sidoo kale gacan ka geysaneysaa ka hortagga inuu dhaco u-adkaysi ay bukaannada u yeeshaan daawada cudurka qaaxada ee loo yaqaan 'TB-da.

Fardowsa Xuseen Xasan, oo ah 40 jir ku nool waqooyiga Gaalkacyo, ayuu ku dhacay cudurka qaaxada nooca sambabada.Waxay si guul leh ku dhammaysatay daaweynteedii bishii June, laakiin waxay ku noqotaa isbitaalka si loogu sameeyo baaritaan la socosho xaaladeeda si joogto ah.

"Aad ayaan u tabar darnaa oo waan xanuunsanayay markii la i keenay isbataalka bishii Janaayo," ayay tiri Fardowsa. Waxaan qufacaayay toddobaadyo, markii ay dhakhaatiirta candhuufteyda shaybaarka u qaadeen, waxaa la iga helay cudurka qaaxada.Markiiba waxaa la ii bilaabay daawo. Lix bilood kaddib, cudurkii wa la iga waayey. Waxaan u mahadcelinayaa maamulka isbitaalka iyo dhammaan inta taageerta qaybta qaaxada. ”


MSF waxaay ka shaqeyneysay Soomaaliya iyo Soomaaliland laga soo bilaabo 1991. 2013 kii ayay ku qasbanaatay inay dalka isaga baxdo kadib falal amni darro oo loo geystay shaqaalaheeda. Kooxaheenna waxay dib u bilaabeen daaweynta bukaannada afar sano kaddib, bishii May 2017, kaddib markii la ogaaday baahida weyn ee caafimaad ee bulshada heysatay.

Hay’adda MSF waxay ku takhasustay caafimaadka sare ama daryeelka bukaan-jiifka ee isbitaallada, waxay hirgelisay xarumo caafimaad oo guur-guura iyadoo diiradda lagu saarayo dadka socotada ah sida qoxootiga, barakacayaasha iyo muhaajiriinta. MSF waxay hada ka shaqeysaa Somaliland (Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood), Puntland (Waqooyiga Gaalkacyo) iyo Koonfur Galbeed (Baydhabo). MSF waxay hadda kaga hawlgashaa si aan joogto ahayn gobolada Jubbaland, iyada oo si gaar ah xoogga u saarta daryeelka nafaqada. Toddobaadyada soo socda, Hay’adda MSF waxaay ka bilaabi doontaa hawl adeeg caafimaad oo naf badbaadin ah oo laga billaabayo Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, ee Galmudug.

READ IN ENGLISH​

"Bringing medical care to the people in central Somalia"​

 

Keywords

 

Change country